Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo laba arrimood kala hadley Catriona Laing

Published: August 14, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa maalintii Axadda xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sugidda amniga iyo xasilinta dalka, wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo taageerada Qaramada Midoobey ee dib u dhiska dalka iyo arrimaha horumarinta, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.

Ergeyga oo ayaa guddoomiyaha warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka, iyada guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka iyo xoojinta amniga dalka.

Marwo Catriona ayaa intii uu socday kulankaan adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howl-wadeennada.
Horseed Media