Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Sacuudiga

Published: June 5, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Shiikh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Horseed Media