Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka Koonfur Afrika uga qeyb galaya shirka (Pan-African Parliament)

Published: August 30, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Ujeedka safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ah ka qeyb galka shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa shirka ku soo bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu wadaa inuu shir doceedyo la yeeshay madaxda kala duwan ee shirka ka galeysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *