Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xukuumadda ugu baaqay inay jawaab ka bixiso weerarkii Hotel Xayaat

Published: August 23, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo u furmay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo hadal qaaday weerarkii hoteelka Xayaat ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliyeed uu aad uga liito dhanka Amniga oo ay ugu dambeeysay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee hotelka Xayaat.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay guri guri u baarto Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *