Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Ka Horyimid Magacaabida Guddiga Doorashada Soomaaliya

Published: November 5, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka horyimid guddiga doorashada Soomaaliya oo uu ku dhawaaqday Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa ku diiday xubnaha guddiga doorashooyinka ku matalaya gobolada Waqooyi, isagoo raysalwasaare Rooble ku eedeeyey inuu ka tagay xubnihii gobolada Waqooyi ee loo gudbiyay.

”Waxaan cadey-neynaa in  haddii ay ku jiraan liiska uu soo saaray  Ra’iisal Wasaaaha xubno metelaya deegaan doorashooyinkeyga (Dir Waqooyi) in aysan aheyn kuwo aan annagu ka warqabo”

Cabdi Xaashi Cabdillaahi

Dhanka kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku taageeray guddoomiye Cabdi Xaashi inuu soo magacaabida xubnaha guddiga doorashada ee gobolada Waqooyi, halka ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada labada aqal ku matala gobolada Waqooyi

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *