Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo laga reebay diyaarad ay Garoowe ku tegi lahayd

Published: July 24, 2023
Shares20

Wefdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo ka socda Dowladda Federaalka ayaa laga reebay maanta oo isniin ah diyaarad rakaab oo ay ku tegi laaayeen magaalada Garoowe. Wefigan waxaa hoggaamineysey Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Ujeedadada safarka Xildhibaan Sacdiya iyo wefdigeeda ayaa lagu sheegay ka qaybgalaka caana shubka suldaan cusub, inkasta oo beeshu horey u caleema saartey suldaankoodi,

Wefdigan ayaa ku qornaa diyaaradda Freedom Airlines ee Muqdisho-Garoowe, waxaana maamulka shirkadda Freedom ku wargeliyeen Xildhibaanada ay hogaamineysey Sacdiyo in amar uga yimid Garoowe loo sheegay in aysan soo qaadi karin Xildhibaanada Dowladda Federaalka, haddii ay sidaas sameeyaan hawada laga celinaayo, sidaas ayaana diyaaradda looga reebay.

Xildhibaano uu hoggaaminaayo Sen.Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa dhawaan shirar ku qabtey Garoowe, waxaana ay soo saareen war nuxurkiisu yahay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda Puntland, taas oo ay ku metalayeen Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey u sheegay in Puntland qiyaamadii ka dhacayso haddii la qabto doorashooynkii xisbiyada, sidoo kale waxa arintaas ku raacey Raysalwasaare Xamse oo sheegay in dib loogu noqdo nidaamkii hore ee odoyaasha.

Kadib markii xildhibaanadu soo saareen baaqoodi, waxaa muuqata in Puntland si rasmiya xiriirka ugu sii jartey Dowladda federaalka.

Xildhibaan Sacdiya Samatar ayaa booqasho ay isku daydey in ay ku tagto Boosaaso sanadkii hore waxay dhalisey gacan ka hadal dhex marey ciidamada Puntland taas oo ay ku nafwaayeen ciidamo gaaraya 10 askeri.

Horseed Media