Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in qaraxyadii Beledweyne la doonayay in isaga lagu dilo

Published: October 3, 2022
Shares4

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in qaraxyadii maanta lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne uu bartilmaameedkoodu ahaa in isaga lagu dilo, balse uu Alle ka badbaadiyay.

Gudoomiyaha Jeyte oo maalmihii ugu dambeysay furimaha dagaalka ku maqnaa ayaa shalay uun dib ugu soo laabtay Magaalada Beledweyne.

Qaraxyadii ayaa maanta dhacay, xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku dhex yaala Xerada Lama Galaay ee magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaankuba ay labaduba ka badbaadeen qaraxyadaasi, haatana ay isaga la jooggaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen qaraxyadaasi, kuwaa oo ay ka mid yihiin qaar ka mida ilaaladiisii, mana sheegin tirada rasmi ah ee qaraxyadaasi ku dhimatay.

Dadka kale ee ku dhaawacmay qaraxyadan ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan, sidii ay ugu qaadi lahaayeen dhanka Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan qaraxyadan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyada ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Horseed Media