Aadan Madoobe oo labo qodob kala hadlay qaar kamid ah xildhibaanada

Published: July 21, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa xaley kulan casho ah la qaatay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubaland.

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay  labo qodob oo kala ah:

1- Abaaraha iyo sidii Xildhibaanada  gacan uga gaysan lahaayeen

2- Midnimo iyo isku xirnaasho Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan la filayo in la shaaciyo Golaha Wasiirada cusub ee XFS, kuwaas oo intooda badan ka iman doonto Golaha shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *