Guterres oo markale ku baaqay Joojinta dagaalka Gaza

Published: November 29, 2023

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii markale ku baaqay in gebi ahaan la joojiyo dagaalka Gaza.

Antonio Guterres ayaa sheegay in xabad-joojinta maalmaha ah ay tahay tilaabo fiican balse aysan xal u noqon doonin dhibaatada bini’aadamnimo ee ka jirta Gaza.

Xoghayaha guud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalka la joojiyo si deeq ku filan loo gaarsiiyo dadka ku tabaaleysan Gaza.

Dagaalka Gaza oo bilowday 7dii Oktoober ayey Israel ku dishay in ka badan 15.000 qof oo ay ku jiraan 6.150 caruur ah iyo 4.000 haween ah.

Xamaas ayaa dhankeeda weerarkii ay ku qaaday dhulka Israel heysato ku dishay 1.200 qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Horseed Media