Hambalyada Madaxweynaha ee Maalinta Haweenka ee 8-da Maarso- Video

Published: March 8, 2024

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunnida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda  8-da Maarso oo ah maalin caalami ah.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay doorkii haweenka Soomaaliyeed ay ka soo qaateen halgankii dalka iyo dadaalada kale ee xilligaan ay uga qeybqaadanayan la dagaalanka kooxaha khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu kula dardaarmay haweenka in ay halkaasi ka sii wadaan dadaaladooda ku aadan ka qeybqaadashada horumarka dalka, isagoo u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.