Hawgal Lagu Dilay 40 Horjooge Oo Ka Tirsan Alshabaab Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose

Published: July 9, 2023

Hawlgal qorsheysan oo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababbaran ee Danab ayaa waxaa lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayadoo halkaasi looga dilay ku dhowaad 40 Maleeshiyo ah.

Wararka hordhaca ah ee ay ogaatay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA  ayaa xaqiijinaya in hawlgalka khaawrijta looga dilay  Horjoogayaal ka tisan Khawaarijta sidoo kalena lagu bur buriyey hub iyo gaadiid dagaal.

Horseed Media