Hawlgal Maraykanku ka qayb-qaatey oo ka dhacay Soomaalya ayaa lagu diley 100 al-Shabaab ka tirsan

Published: July 19, 2023

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Maraykanka ayaa weerar dhanka cirka ah ka fuliyey deegaanada Gal-libaax iyo Ceel Qurac ee dhacda xadka gobolka Galguduud iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo la sheegay in Malayshiyaadka al-Shabaab isku urursadeen, sidaas waxaa lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta Dowladda federaalka.

Sida lagu sheegay warka dowladda ka soo baxay waxaa hawlgalkaas duqeynta dhanka cirka ah lagu diley qiyaastii 100 dagaalyahan oo ka tirsan argagixisada al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisey Maraykanka, sida joogtada ee ay u garab istaageen ciidamada SNA.

Hawlgalkan ayaa imaanaya iyada oo maalintii shalay weerar laga fuley isla gobolka Galguduud lagu diley dagaalyahano ka badan 30 oo ka tirsan al-Shabaab.

Horseed Media