Hay’ada WCK oo joojisay hawlihii Gaza, kadib duqeyntii Israel ku dishay 7 kamid ah Shaqaalahooda

Published: April 3, 2024

Duqeyntii maalin kahor Israel ku dishay 7 kamid ah shaqaalaha ajnabiga ah ee Hay’ada World Central Kitchen ayaa sabab u noqotay in gebi ahaan la joojiyo hawlihii gargaaarka bini’aadamnimo ee waqooyiga Gaza.

Israel oo qiratay duqeyntan ayaa si bareer ah u duqeysay sadex gaari oo ay la socdeen shaqaalaha WCK oo kasoo kala jeeday dalalka Falastiin, Mareykanka, Ingiriiska, Poland iyo Australia.

Israel ayaa horey u duqeysay gargaarkii hay’ada Qaramada Midoobay geyn jirtay waqooyiga Gaza, waxayna hay’adan WCK ahayd tii ugu danbeysay oo ka hawlgasha dhulkaasi isla markaana xiriir toos ah la-laheyd Israel.

Aasaasaha hay’ada World Central Kitchen, Jose Andres ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo Arbaca ah in duqeyntaasi ahayd mid bareer ah.

Israel ayaa lagu eedeeyey inay dooneyso in ay sare u qaado gaajada iyo macaluulsha ka jirta Gaza taasina tahay sababta ay u bartilmaamsaneyso hay’adaha gargaarka iyo xarumaha caafimaadka, si ay dhulkaasi isaga qaxaan shacabka Falastiiniyiinta.

Tiradda shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee Israel ku dishay Marinka Gaza ayaa hada gaaraya 203, sidoo kale shaqaalaha caafimaadka ee Gaza lagu dilay ayaa gaaraya 484, suxufiyiinta la dilay ayaa iyaguna tiradooda kor u dhaaftay 140.

Dhinaca kale caruurta lagu xasuuqay Gaza ayaa gaaraya 14,500, halka tiradda haweenka la dilay ay mareyso 9,560. Dhaawaca ayaa gaaraya in ka badan 75,577.

Waxaa iyaguna jira 8,000 qof oo la la’a yahay oo la filayo inay ku jiraan guryaha la duqeeyey hoostooda.

Horseed Media