Hay’adda NISA Oo Weerar Ku Dishay 4o Horjooge Oo Ka Tirsan Alshabaab

Published: June 22, 2023

Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay howlgal qorsheysan ka fulisay gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.

Maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha hoose, balse sirdoonka qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Horseed Media