Hay’adda WFP oo ansixisay qorshe istaraatijiyeedkeeda Soomaaliya 2022-2025

Published: August 29, 2021

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay Kulan lagu ansixinayey qorshaha istiraatijiyadeed ama shaqo  ee Hey’adda cuntada Aduunka ee ( WFP ) Xafiiskeeda  Soomaaliya 2022-2025.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen 12-wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda, Wasaaradaha Qorsheynta Dowlad-goboleedyadda, Hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, Agaasinka deegaanka iyo isbadalka cimiladda (XRW) ayaa socon doona mudo labo cisho ah.

Hey’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *