Hiiraan: Al-Shabaab oo gubay gaadiid ay la socdeen dad shacab ah

Published: September 3, 2022
Shares712

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar dhabagal ah ka fulisay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarkaan ayaa waxaa lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen dad shacab ah, kuwaas oo ay gubeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Weeararka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray rakaabkii la socday gawaarida saaka lagu gubay gobolka Hiiraan.

Inkastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah, wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarkan ay kor u dhaafayaan 15 ruux oo la socday gaadiidka.

Gaadiidkaan oo ahaa nooca xamuulka isla markaanna waday Raashin ayaa shaley jimcihii ka baxay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan iyaga oo u rarnaa Degmada Maxaas oo u jirta 160 KM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *