Hindiya: Booliska Oo Toogasho Ku Dilay 4 Nin oo Gabar Kufsaday

Published: December 6, 2019

Ciidamada booliska Hindiya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 4 Nin oo ku eedaysnaa inay Kufsi wadareed u gaystay gabar 27 Jir, kadibna dilay

Taliye Ku xigeenka Booliiska Magaaladda Hyderabad Prakash Reddy ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in 4 nin la dilay iyagoo isku dayay inay ka baxsadaan Booliiska

” Waxay isku dayeen in hubkiisa ka qaadan mid ka mid ah ilaalada booliiska, ka dibna waa la toogtay” ayuu yiri taliye ku xigeenku, isagoo sii raaciyay ” Waxaanu yeernay ambalaas, hase yeeshee waxay geeriyoodeen ka hor gargaarkii caafimaad ee aan u dalabnay

Raga la laayay ayaa booliisku soo xireen toddobaadkii hore iyagoo lagu soo eedeeyay inay kufsadeen gabar 27 jir ah ka dibna ay nolosha ku gubeen, falkaasi oo shacabku gobolkaasi ay aad uga caroodeen

Wadanka Hindiya waxaa sanadkii 2012ka ka dhacay kufsi wadareed loo gaystay gabar ardayad ahayd, gabadhaasi markii dambe u dhimatay dhaawicii ka soo gaaray kufsigaas ayaa dhaliyay mudharaadyo ballaaran oo shacabka dalkaasi ay ku dalbanayeen in wax laga qabto falalka noocan oo kale ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *