Hogaamiya Xisbullah Nasrallah oo sheegay inay wadi doonaan la dagaalanka Israa’iil

Published: November 3, 2023

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Nasrallah ayaa maanta oo Jimce ah markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka Gaza.

Nasrallah ayaa sheegay in ay qaadi doonaan wado walba oo ay rabaan, isagoo ka hadlaya iska horimaadyada ka socda Xaduuda Lubnaan iyo Isra’iil.

57 askari ayuu sheegay inay uga dhinteen iska horimaadyada ka socda xaduuda koonfureed ee Lubnaan.

Hogaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay inay heegan galaan ciidankiisa.

Wuxuu sheegay inaysan u joojin doonin hanjabaada Mareykanka ka imaaneysa.

Waxna ma tari doonaan Maraakiibta iyo ciidamada aad soo dirtay ayuu yiri Nasrallah oo la hadlayey Mareykanka.

Hadaa dooneysaan in dagaalkan joogsado waa inaad joojisaan duulaan Gaza, ayuu yiri isagoo la hadlaya Mareykanka iyo xulafadiisa.

Dalalka Islaamka iyo Carabta ayuu ugu baaqay inay si wadajir ah dagaalkan uga qeyb qaataan.

“Dagaalkan ka socda Gaza lama mid ah kuwii hore”, ayuu yiri Nasrallah.

Nasrallah ayaa sheegay in la rabo muslimiinta inay dagaalkan wajahaan, Illaahayna u balan qaaday guul.

Horseed Media