Hogaamiyaha Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer oo ku baaqay in la qabto doorasho cusub ee Israa’iil

Published: March 14, 2024

Xildhibaanka ugu sareeya aqalka senate-ka Maraykanka Chuck Schumer, ayaa soo jeediyay dhaleeceyntii ugu adkeyd ee uu u jeedinayo Raysalwasaaraha Isra’iil Netanyahu tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday, isagoo ku baaqay in isbedal lagu sameeyo hoggaanka Isra’iil.

Schumer, oo ah hogaamiyaha ugu sareeya Dimuqraadiyiinta Yuhuudda-Maraykanka, ayaa si toos ah u beegsaday ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu khudbad uu ka jeediyay aqalka Senate-ka Mareykanka, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Israa’iil uu “aad u rabay khasaaraha ka dhashay dagaalka Gaza”.

Schumer wuxuu sheegay in lama huraan ay tahay in la qabato doorashada Israel ee lagu beddelayo Netanyahu. Hase yeeshee muusan sheegin xiliga uu doonayo in la qabto doorashadaasi.

In ka badan 31,341 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii uu dagaalka billowday, kuwaas oo u badan carruur. Tirada dhimashada ee isa soo taraya ayaa keentay cambaareyn baahsan oo saameyn ku yeelatay siyaasada Mareykanka oo ah awooda taageerada ugu weyn siisa Isra’iil.

Horseed Media