Hogaamiyayaasha dunida oo ka qayb galay shirka Qaahira ee looga hadlayey xaalada Gaza

Published: October 21, 2023

Hogaamiyayaasha Carabta ayaa cambaareeyay duqeymaha Israel ee Gaza waxayna dalbadeen dadaallo cusub oo lagu soo afjarayo dhibaatada ka jirta Falastiin tan iyo 1948dii.

Hogaamiyaasha iyo wafuud sarsare oo ka kala socda in ka badan 12 wadan ayaa ka qeyb galay shirka magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, shirkan dhacay maanta oo Sabti ah ayaa looga hadlayey sidii loo joojin lahaa dagaalka Israel iyo Xamaas iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo isku dhac balaaran oo ka dhaca bariga dhexe.

Wakiilo ka socda dalal ay ka mid yihiin Jordan, France, Germany, Russia, China, UK, Mareykanka, Qatar iyo Koonfur Afrika ayaa ka qeyb galay kulanka oo hal maalin ahaa, iyadoo ay wehliyaan saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Khudbadiisa furitaanka, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku casuumay hogaamiyayaasha inay la yimaadaan heshiis soo afjara “masiibada bini’aadantinimo” ee marinka Gaza iyo dib u soo noolaynta Waan-waantii nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta. Ujeedooyinka shirkan waxaa kamid ahaa gaarsiinta gargaarka Gaza iyo in la ogolaado xabbad-joojin, oo ay ku xigto wada-xaajoodyo horseedaya xal laba dowladood ah, ayuu yiri.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ka qeyb galay shirka wuxuuna codsaday in la furo gargaarka bini’aadantinimo. Wuxuu kaloo sheegay in Falastiiniyiintu aysan ka bixi doonin dhulkooda, isagoo yiri “Dhulkeena waanu sii joogi doonnaa.”

Shirkan kama aysan qeyb galin Israel iyo waliba madaxda sare ee Mareykanka.

Shir madaxeedkan ayaa dhacaya iyadoo Israa’iil ay diyaarinayso weerar dhanka dhulka ah oo ay ku qaado Gaza.

In ka badan 4,200 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada is-daba-joogga ah ee Israa’iil, iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Gaza.

Horseed Media