Hogaamiyihii ugu weynaa burcada Daroogada oo lagu qabtay Istanbul, Turkiye

Published: November 10, 2023

Booliiska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah hogaamiyayaasha ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada daroogada iyo hubka.

Dritan Rexhepi oo ah 44 sano jir u dhashay dalka Albania ayaa waxa muddo baadi goobayey booliiska adduunka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhawaan dalka Turkiga kusoo galay baasaboor Kolombiyaan ah.

Turkiga ayaa xogta ninkan ka helay Booliiska Talyaaniga oo baadi goobayey ninkan oo loo heysto ganacsiga daroogada, dilal, afduub iyo ganacsiga hubka.

Hogaamiyahan ayaa ah madaxa kooxda loo yaqaan Kompanio Bello oo awood badan kuleh dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika.

Ninkan ayaa horey uga baxsaday xabsiyo ku yaal dalalka Beljimka iyo Itaaliya.

Horseed Media