Hoggaamiyaha Kooxda afgambiga Suudaan ayaa sheegay in dagaalku gobolka ku fidaayo

Published: September 22, 2023

Taliyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka codsaday wufuudda golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan taageerayaasha ciidamada ay iska soo horjeedaan ciidamada birmadka ee loo yaqaan RSF.

Taliyaha ciidamada Sudan General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa ka digay in haddii dagaalku sii socdo bilo in ay dhici karaan in uu ku fido gobolka isaga oo ku booriyay cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah cutubyada militariga ee uu la dagaalamo.

Burhaan, oo ah hogaamiyaha Suudaan tan iyo afgambigii 2021-kii, waxa uu si dadban u sheegay xiriirka ka dhexeeya kooxda caloosh u shaqeystayaasha ah ee Wagner iyo ciidamada birmadka RSF ee uu dagaalka kula jiro.

Kooxda Wagner ayaa waxaa saaran cunaqabateyn reer galbeedka ah oo ay ku soo rogeen xadgudubyo ay sheegeen in ay ka geysteen Afrika.
Wuxuu sheegay in xaqiiqda ah in fallaagada ay taageero ka raadsadeen kuwa aan sharciga ahayn iyo kooxaha argagixisada ay la mid tahay dhimbilo dagaal.

Waxa uu sheegay in ay “caddaatay” in ay jirto faragelin heer gobol iyo mid caalami ah oo lagu taageerayo kooxda RSF.

Dagaalku wuxuu qarxay 15-kii April kadib markii uu burburay qorshe la doonayay in la isku dhafo ciidamada iyo ciidamada taageerada degdega ah ee Birmadka, kaasoo uu hogaaminayay ku xigeenkii hore ee Burhaan General Maxamed Xamdaan Dabaglo.

Dagaalka Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 7,500 oo qof, sida ay sheegtay NGO-ga Acled, waxaana ku barakacay ilaa shan milyan oo qof.