Holland: Xisbiga Xagjirka ah ee PVV oo ku guuleysatay doorashada Baarlamaanka

Published: November 23, 2023

Dalka Holland ayey Arbacadii ka dhacday doorashada Baarlamaanka, oo ay guul weyn ka gaareen xisbiga lagu tilmaamo cunsuriga ee PVV.

Tirinta cododka ayaa weli socota balse natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa inay kuraasta ugu badan ku guuleysteen xisbiga PVV.

Xisbiga PVV oo uu Hogaamiyo Geert Wilders oo lagu yaqaan Muslim naceybka ayaa helay 35 kursi. Xisbigan ayaa si weyn ugu ololeeya kahor taga dadka soogalootiga ah.

Kaalinta labaad ayey galeen xisbiyada Garabka Bidix ee GL/PvdA oo helay 25 kursi.

Xisbi xaakimkii VVD ee Raysalwasaaraha xilka degaya Mark Rutte ayaa galay kaalinta sadexaad. Waxayna heleen 24 kursi.

Dhismaha xukuumada cusub ayaa noqon doonta mid ku timaada isbaheysiga xisbiyada heysta kuraasta aqlabiyada Baarlamaanka oo ah ugu yaraan 76 kursi. Baarlamaanka ayaa ka kooban 150 kursi.

Hase-yeeshee Xisbiyadda galay Kaalinta 2aad, 3aad & 4aad ayaa horey usheegay inaysan wax isbaheysi ah la geli doonin xisbiga cunsuriga ah ee PVV. Tani ayaa adkeyn doonta in PVV si fudud xukuumad kusoo dhisaan.

Tartanka sanadkan ayey ka qeyb qaateen 26 xisbi oo kala duwan kuwaasi oo qaarkood aan helin wax kuraas ah.

Horseed Media