Hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho

Published: August 20, 2022

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa xaley lagu garaacay xaafado ku yaala agagaarka Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hoobiyeyaasha ay tiro ahaan gaarayaan illaa shan madfac, isla markaana ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Afar caruur ah iyo Hooyadood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen mid kamid ah hoobiyeyaasha lasoo tuuray oo ugu tagay gurigooda, iyadoo Aabaha qoyskaasina uu ku dhaawacmay Hoobiyaha sababay dhimashada afartiisa canug iyo Xaaskiisii.

Sidoo kale wararku waxa ay intaasi ku darayaan in tiro ku dhow illaa 20 qof oo ay kamid yihiin lamaane aroos ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha xalay ku dhacay Xaafadaha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *