IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii Murashaxiinta & Xukuumada Federaalka

Published: February 26, 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay urur Goboleedka IGAD ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay heshiiskii xalay magaalada Muqdisho ku wada gaareen xukuumadda  Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada dalka.

“…IGAD waxay si diiran u soo dhoweynaysaa heshiiskii ay wada  gaareen Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada, run ahaantii waa qorshe Soomaalidu leedahay ayna hogaaminayso kaas oo khuseeya arrimo badan oo  ay kamid yihiin; bad-qabka bulshada, nabad geliyadda iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda iyo in ay banaan baxaan…”

IGAD

IGAD waxay aaminsan tahay in wadahadalka uu yahay sida keliya oo lagu xaqiijin karo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, IGAD waxay u mahad celinaysaa, Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Galmudug, Hirshabeele, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Midowga Murashaxiinta kaalinta ay ka qaateen in heshiis la gaaro.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale, hogaamiyeyaasha Soomaalida ku booriyey in ay la yimaadaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha taagan isla markaana isu tanaasul iyo is qancin lagu dhaqaaqo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *