IGAD oo walaac ka muujisay Abaarta ka jirta waddamada dhaca Geeska Afrika

Published: July 23, 2022
Shares36

Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay in ka badan 50 Milyan oo ruux oo ku nool Bariga Afrika oo saameyn taban ku reebtay Abaarta ka jirta waddamada dhaca Geeska Afrika oo xubno ay ka yihiin ururkaan.

Qoraal dheer uu Ururka kasoo saaray xaaladda cunno la’aan iyo nafaqo darro ee heysata Dad ku nool waddamada kala ah: Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Koofurta Suudaan & Jamhuuriyadda Suudaan waxa uu ku dalbaday in la gacansiiyo dalalkaan.

2022 ayuu Ururka IGAD sheegay in tirada Dadka abaartu saameysay ay gaartay 50 ilaa 51 Milyan oo ruux halka sanadkii 2021 ay gaarayeen 42 Milyan oo qof taasina ay muujineyso xaddiga awoodda abaartu heerkeeda inta uu gaaray.

Urur Goboleedka IGAD ayaa xusay in waddamada dhibaatooyinka nololeed ay ka jiraan dhexdooda ay isaga kala gudbeed Dad u arka in waddanka ay joogaan mooyee kan kale ay ku helayaan nolol ka wanaagsan midda waddankooda.

Walaaca ugu weyn waxa uu kordhay markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay dhintay gargaarka bani aadamnimo oo ay siiso Qaxootiga, kaddib waxaa la wajahay xaaladdii ka dhalatay Covid-19, colaad, fatahaad, Ayax & Abaar.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ururrada kale ee Qaaradda ka jira, Qaramada Midoobay iyo cid weliba oo kaalin ka qaadan karta wax ka qabashada xaaladaha Bania adaamnimo ee jira ka dalbaday in aysan dib u dhigan kaalintooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *