IGAD oo wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya u magacaabtay xil sare

Published: September 2, 2022
Jamaal Maxamed Xassan

Sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo dowladda ka tirsan, Danjire Gamaal Maxamed Xasan, Wasiirkii hore ee Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa loo magacaabay Agaasimaha Xarunta Sare ee La-qabsiga Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka IGAD ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay magacaabidaas oo wax diidmo ah ka bixin xilka loo magacaabay, (no objection) waxayna ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto.

Jamaal Xasan oo ahaa diplomat, shantii sano ee u danbeysey ahaa wasiirkii qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha, waxaa lagu tilmaama mid kamid ah wasiiradii ugu wanaagsanaa ee soo mara wasaaradda kadib dhalashadii jamhuuriyadda saddexaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *