Ilaalada Madaxweynaha Puntland Oo Ka Degay Muqdisho

Published: March 13, 2021

Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimada dalka ee Muqdisho.

Ciidamada oo ku qalabaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hordhac u ah madaxweynaha Puntland oo la filayo inuu maanta gelinka dambe gaaro magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo looga hadlayo khilaafka arrimaha doorashooyinka ayaa ka dhacaya xerada Afasiyoon, kadib markii ay codsadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in shirka lagu qabto meel amaan ah, goobtaas oo ay amnigeeda sugayaan ciidamada howlgalka midowga Africa (AMISOM).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *