Ilhan Omar oo ku guulaysatey doorashada hordhaca ah ee Xisbiga Dimoqraadiga

Published: August 10, 2022

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatey doorashada horudhaca ah ee is reeb-reebka musharixiinta Dimoqraadiga (DFL primary), ka hor doorashada guud ee 8da Nofeembar.

Ilhan Omar
Ilhan Omar

Ilhan ayaa tartan adag kala kulantey Don Samuels oo hore uga tirsanaa golaha deegaanka Minneapolis, kaas oo si weyn loo soo maalgeliyey, waxaana uu taageero weyn ku lahaa isbaheysiga Super PAC ee kharash gareeyey, sidoo kale waxaa taageeray warbaahinta gobolka iyo Duqa magaalada Minneapolis

Ilhan Cumar ayaa heshay codad ku dhaw 52 boqolkiiba halka Samuels helay 48 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Don Samuels ayaa sheegay inuu Ilhan Omar ku taageeri doono doorashada guud ee Nofeember 8, kadib markii uu xaqiiqsadey guuldarada. Guusha Ilhaan Omar waxay ka dhigan tahay in markii saddexaad ay u tartanto Aqalka Kongreeska Maraykanka.

“Guusha caawa waxay marqaati ka tahay sida ay degmadeenu u aaminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aan u dagaalamayno,”

ilhan omar

Ilhan Omar, oo 39 jir ah, ayaa la tartami doonta Cicely Davis oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee 8da Nofeember 2022.

Waxaa la filayaa in Ilhan Cumar markii saddexaad dib loo dooran doono oo ay ku meteli doonto gobolka Minnesota, maadaama kursigaasi inta badan loo doorto murashaxa xisbigeeda Dimoqraadiga.

Ilhan Omar ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah qaxootinimo ku tegay Maraykanka oo loo doorto Congress-ka Mareykanka 2018.

Waxay ka mid noqotey koox kale oo horusocod ah oo ay kamid yihiin Alexandria Ocasio-Cortez, Ayanna Pressley, iyo Rashida Tlaib, Cori Bush, kooxdaan ayaa soo wada guulesytey oo ka soo baxay doorashada dhibka badan ee is reebreebka Xisbigooda dhexdiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *