Imaaraadka: Fatahaad, Guryo burburay, koronto la’aan iyo jahawareer ka dhashay roobab mahiigaan ah

Published: April 17, 2024
Shares4

Roobkan xoogan ayaa sababay daadad baahsan, waddooyin xirmay, geedo go’ay, waxa sidoo kale hakad ku yimid duullimaadkii oo laga leexiyey madaarka caalamiga ah ee ugu mashquulka badan ee Dubai, waxana uu khalkhal galiyey nolol maalmeedka guud ee dalka.

Imaaraatka Carabta ayaa la daalaa dhacaysa dhibaatadii ka dhalatay roobabkii ugu badnaa ee dalkaas ka da’a muddo 75 sano ah, kadib markii dadka deegaanka ay noqdeen koronto la’aan, isla markaana khasaaro soo gaaray guryo iyo gaadiid baddan.

Shacabka dalkaasi ayaa maanta oo Arbaca ah baraha bulshada ku baahinaya muuqaalada iyo sheekooyinka ku saabsan khasaaraha ka dhashay roobabkii dabeylaha watay.

Talaadadii shalay ayuu bilowday roobka Isutagga Imaaraadka Carabta, roobabkan oo noqday kii ugu xooga badnaa taariikhda dalkaasi isla markaana socday muddo 24-saacadood ah.

Roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xooggan ayaa sidoo kale garaacay dalalka deriska la ah ee Baxreyn iyo Cumaan, halkaasoo ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen daadadka.

Horseed Media