In ka badan 20 kun oo ardey oo sanadkii 2021 ka qalin-jebisey jaamacadaha dalka

Published: September 1, 2022
Iftin foundations

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo saartey cilmi-baaris ku saabsan ardaydii sanadkii 2021-kii dhamays-tirtay Jaamacadaha dalka. Hay’adda IFTIN ayaa cilmi-baaristan horey u sameyn jiretey waana markii lixaad ee ay soo bandhigto.

Cilmi-baaristan ay soo bandhigtey hay’adda IFTIN ayey ka samaysey 57 Jaamacdood oo ku kala yaalla 12 magaalo kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Gaalkacyo, Cadaado, Laascaanood, Guriceel, Baladweyn, Jowhar, Baydhabo, Marka iyo Afgooye.

Sanadkii 2021kii ardeyda dhamaysey waxbarashada jaamahacada ee goobaha cilmi-baarista laga sameeyey ayaa ah 20,250 arday, iyadoo tirada gabdhaha ay ahayd 7,812 oo wadarta guud ka ah 38.58%. Halka tirada wiilashuna ahaayeen 12,438 oo wadarta guud ka ah 61.42%.

Sahankan ayaa sidoo kale lagu muujiyay guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya 27 kulliyadood.

Xogtu waxay muujineysaa in afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

  • Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) 17.15%;
  • Nursing & Midwifery 13.13%
  • Maamulka Guud (Public Administration) 11.51%.
  • Computer Science (IT & BIT) 11.09%.

Halka Afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda ugu yar ay kala ahaayeen:-

  • Journalism, Media and Mass Communication 0.02%.
  • Xuquuqul Isnaanka (Human Rights), 0.04%.
  • Cilmiga iyo Daawaynta Ilkaha (Dentistry) 0.09%;
  • Barashada Dambiyada iyo Amniga (Criminology & Security Study) 0.19% .

Sahanku wuxuu kaloo tilmaamay tirada gabdhaha iyo wiilasha ee kulliyad kasta si loo ogaado halka ay ku kala badan yihiin. Waxaana soo baxday in gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

Gabdhaha kuliyadaha u badan yihiin

  • Nursing & Midwifery (2,167 gabdhood)
  • Business Administration (1,037 gabdhood)
  • Public Health (969 gabdhood)
  • Medical Laboratory (751 gabdhood)

Wiilasha kuliyadaha ay u badan yihiin

  • Business Administration (2,435 wiil)
  • Computer Science & IT (1,867 wiil)
  • Public Administration (1,624 wiil)
  • Medical Laboratory (998 wiil)

Guddoomiyaha Hay’adda Iftin Foundation C/llaahi Maxamed Xasan ‘Black’ oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in daraasaddani hadafkeedu yahay sidii loo ogaan lahaa tirada ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka, aqoonta ay soo barteen, deegaannada ay ku nool yihiin, tirada wiilasha iyo gabdhaha.

Sidoo kale waxay xogtani sahleysaa in la ogaan karo sida ay isugu dhigmaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira iyo tirada ardayda soo qalinjebisay ee shaqo doonka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *