In kabadan 33 kun oo Arday oo maanta u fariistay Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka

Published: May 27, 2023
Shares18

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salaax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Qaranka ee fasalka 12 -aad.

Imtixaan sanadeedka Dugsiga Sare 2022/23 waxaa u fadhiistay Arday gaareysa 33,700 sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & tacliinta sare XFS Farah Sh. Cabdiqadir.

Ardaydaan waxa ay Wasaaradda Waxbarashada u diyaarisay in ay ku galaan 114 xarumood iyada oo amniga loo dhiibay Ciidamada Booliiska oo muddooyinkii dambe loo diyaarinayay sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Goobahaan Imtixaanka lagu galayo waxa ay ku kala yaallaan Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka marka laga reebo Deegaannada Puntland oo si gaar ah ardayda ku sugan Imtixaan uga qaada.

Horseed Media