Indonesia: Dad badan oo ku dhintay dooni degtay

Published: July 24, 2023

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay kadib markii doon ku degtay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Doonta ayaa waxaa saarnaa 40 rakaab ah markii ay degtay saqdii dhexe ee xalay (16:00 GMT) waxaana mas’uuliyiintu ay baadigoob ugu jiraan 19 qof oo weli la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda samatabbixinta qaranka Indonesia maanta oo Isniin ah.

Horseed Media