Inta badan Shacabka Mareykanka oo kasoo horjeeda Israel iyo Khudbadii Biden ku difaacay Israel

Published: October 20, 2023
Shares146

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay khudbad uu kula hadlay shacabka Mareykanka ka codsaday inay taageeraan siyaasadiisa ku aadan taageerada buuxda uu u hayo Israel, xili ay isa soo tareyso tiradda dadka Mareykanka ah ee kasoo horjeeda dagaalka Gaza.

Biden ayaa khudbadiisa ku dooday inay muhiim tahay in Mareykanka uu taageero Israel iyo waliba Ukraine, si aysan u guuleysan Putin iyo Xamaas, waa siduu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay in amaanka Mareykanka ay ku xiran tahay taageerada xulafadooda.

Cod aruurintii ugu danbeysay ee laga qaaday shacabka Maraykanka ayaa muujineysa in 56% shacabka Mareykanka kasoo horjeedaan dagaalka Israel ka wado Gaza, halka 44% ay taageersan yihiin siyaasada Biden.

Xukuumada Biden ayaa diyaarisay miisaaniyada cusub ee Amniga oo gaareysa 100 Bilyan oo dollar oo ay ku jirto lacagta taageerada Ukraine oo gaareysa 60 Bilyan iyo 14 Bilyan oo loogu talo galay Israel. Halka inta kale ay tahay mid lagu xoojinayo amaanka gudah Mareykanka sida darbiga xaduuda Mexico iyo Kaydka hubkooda.

Miisaaniyadan ayaa ka baxsan lacagta Mareykanka sanad walba ku taageero Israel oo gaareysa 3 bilyan oo dollar.

Ansixinta Miisaaniyada ayaa ah mid dood xoogan ka taagan tahay taasi oo sababtay in xilkii laga xayuubiyo Guddoonkii Kongareeska Mareykanka horaantii bishan, xiisadaas ayaa weli ka dhex taagan xisbiga Jamhuuriga oo weli ku guuleysan inay isku raacaan cida noqoneysa Guddoomiyaha.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Mucaaridka Jamhuuriga ayaa diidan lacagta badan ee loogu deeqayo Ukraine, halka in badan oo kamid xildhibaanada Dimuquraadiga iyaguna diidan yihiin lacagta loo qorsheeyey Israel.

Horseed Media