IRAN: Hadda Kadib Waa Ka Jawaabi doonaa tilaabo kasta oo ay Israel qaado

Published: April 15, 2024

Madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa Axaddii sheegay in weerar kasta oo mustaqbalka Israa’iil ku qaado danaha iyo dadka Iran ay dhalin doonto aargoosi toos ah oo uga timaada Iran.

“Hadda wixii ka dambeeya, weerar kasta oo ay [Israa’iil] la beegsato dadkeenna, hantideena, ama danahayaga waxay dhalin doontaa jawaab celin deg deg ah oo ka imanaysa gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” warbaahinta dawladdu waxay soo xigatay taliyaha guud ee IRGC Hossein Salami.

Hadalka Salami ayaa daba socday weerarkii aan hore loo arag ee Iran ay ku qaaday dhulka Israa’iil heysato habeenimadii Axadda soogaleysay, oo ahayd tillaabo aargoosi ah oo ka dhan ah weerarkii dhimashada lahaa ee Israa’iil ay ku qaadday Qunsuliyadda Iran ee Dimishiq 1-dii Abriil.

Salami waxa uu sheegay in aargoosiga Iran uu ahaa hawlgal lala beegsaday, oo diiradda lagu saaray kaliya xarumaha loo adeegsaday weerarkii qunsuliyaddooda, sida Madaarka Militariga Israel oo uu khasaaro kasoo gaaray duqeynta Iran.

“Howlgalkani waa ballaarin karnay, laakiin waxaan ku xaddidnay baaxadda howlgalka xarumaha [Israel] ay ku weerartay qunsuliyaddayada,” ayuu yiri.

Salami wuxuu ka digay in haddii Israa’iil ay kusoo qaado weerar kale, “tallaabadayada xigta ay noqon doonto mid aad u adag, anagoo ka duulayna fikradaha aan soo aruurinay ee ku saabsan awoodooda.”

Iran ayaa horey u adeegsan jirtay kooxaha ay xulafada la tahay ee Xisbullah, Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaadka Ciraaq weerarada ay la beegsato Israel, balse kadib weerarkii habeen hore Iran ayaa hada u muuqata inay toos uga jawaabi doonto Israel.

Horseed Media