Iran oo ka digtay in Xaalada Bariga Dhexe ay faraha ka bixi doonto haddii Israa’iil ay sii wado dagaalka Gaza

Published: October 22, 2023

Wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa uga digay Israa’iil iyo Mareykanka maanta oo Axad ah, in haddii Israa’iil ay joojin weydo weerarrada ay ku hayso Qaza, in xaaladda Bariga Dhexe “ay faraha ka bixi doonto.”

“Waxaan uga digayaa Mareykanka iyo wakiilkiisa (Israa’iil) … haddii aysan si dhaqso ah u joojin dambiyada ka dhanka ah bini’aadannimada iyo xasuuqa Gaza, wax walba waa suurtagal daqiiqad kasta, gobolkana wuxuu ka bixi doonaa gacanta,” Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amir- Abdollahian ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah magaalada Tehran kula qabtay dhiggiisa Koonfur Afrika.

Amir-Abdollahian waxa uu la barbardhigay xaaladda hadda uu gobolka ku sugan yahay mid la mid ah Bambaano markasta qarxi karta, isaga oo sheegay in khasaaraha ka dhasha “cawaaqib culus iyo khatar ah ku keeni doonto danaha kuwa dagaalka wada (Israel & Mareykanka)”.

Israa’iil ayaa si aan kala joogsi lahayn u wada duqeymo cirka ah iyo madaafiicda ay ku garaaceyso Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 4,600 oo qof.

Maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee ku sugan Lubnaan, Ciraaq iyo Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeynmo la beegsaday saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo Israel, xili Mareykanka uu sheegay inuu heegan geliyey ciidamadooda gobalka ku sugan.

Tan iyo Arbacadii, saddex saldhig oo Ciraaqi ah oo ay adeegsadaan ciidamada isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ayaa lagu beegsaday shan weerar oo kala duwan — Ain al-Asad, saldhigga Al-Xariir ee waqooyiga Ciraaq iyo xero ciidan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Baqdaad.

Gantaalada Katyusha ayaa maanta oo Axad ah markii labaad lala beegsaday saldhigga ciidamada cirka ee Ain al-Asad, oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee galbeedka Ciraaq.

Horseed Media