IRAN oo sheegtay inay heegan ugu jirto duulaan kasta oo uga yimaada Israel

Published: April 17, 2024

Iyadoo xiisada gobolka ay cirka isku sii shareereyso, Iran ayaa Arbacadii soo bandhigtay diyaarado, gantaallo iyo askar si ay u muujiso inay diyaar u tahay jawaab kasta oo kaga timaada Israel ka dib markii ay weerar aan horay loo arag ku qaaday cadawgeeda ugu weyn.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa todobaadkii hore weerar toos ah ku qaaday Israa’iil, taasoo jawaab u ahayd weerar cirka ah oo 1-dii bishan April lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq.

Hawlgalka loogu magacdaray “Ballanqaadka Run ah”, wuxuu hoos u dhigay sharaftii maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil),” ayuu yiri Madaxweynaha IRAN, Ebrahim Raisi oo khudbad kasoo jeediyey saldhig milatari oo ku yaal duleedka Tehran.

Raisi ayaa maanta oo Arbaca ah ku celiyay digniino ka dhan ah “daan daansiga iyo gardarrada Israel”, isagoo sheegay inay horseedi doonto “jawaab adag oo kharaar.”

Bandhiga arbacadii ayaa lagu arkay ciidamada qalabka sida ee Iran oo soo bandhigay qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada riddada dheer.

Waxaa ka mid ahaa noocyada kala duwan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ababil, Arash iyo Mohajer iyo sidoo kale gantaalada ballistic-ga ee riddada dhexe ee Dezful iyo nidaamka gantaalaha difaaca cirka ee S-300.

Horseed Media