IRAQ: Bandow lagu soo rogay magaalada Kirkuk kadib rabshado u dhaxeeya Carabta iyo Kurdiyiinta

Published: September 3, 2023
Shares4

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada Kirkuk ee waqooyiga Ciraaq ka dib markii mudaaharaadyo iska soo horjeeda oo ay sameeyeen dadka Kurdiyiinta iyo Carabta oo lagu hoobtay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Raiisel wasaaraha Mohammed Shia al-Sudani ayaa amar ku bixiyay bandowga Kirkuk iyo sidoo kale “Howlgallo amni oo ballaaran oo laga sameeyay goobihii ay rabshaduhu saameeyeen”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada in “ay kaalintooda ka qaataan ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta ee gobolka Kirkuk”.

Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 8 qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan deegaanka.

Xiisad ayaa muddo ku dhow toddobaad ka taagneyd magaalada Kirkuk, taasoo taariikh ahaan ay ku muransanaayeen dowladda federaalka ah ee Baqdaad iyo ismaamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga.

Khilaafku wuxuu udub dhexaad u ahaa qabsashadii dhismo ku yaal Kirkuk oo xarun u ahaan jirtay xisbiga Dimuqraadiga Kurdistan (KDP) waagii hore laakiin ciidamada Ciraaq u isticmaalayeen saldhig tan iyo 2017.

Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in dhismaha ay dib ugu celiso KDP si ay u muujiso niyad sami balse mucaaradka Carabta iyo Qawmiyada Turkida ayaa xirtay bannaanka dhismahaas si ay uga mudaaharaadaan wareejinta.

Rabshadaha Sabtidii dhacay ayaa ka dhashay markii koox Kurdiyiin ah oo mudaaharaadayay ay u soo dhawaadeen goobtaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Kirkuk, oo ah gobolka qaniga ku ah saliida ee waqooyiga Ciraaq oo ay isku heystaan ismaamulka Kurdiyiinta iyo dawladda dhexe ee Ciraaq oo ay Shiicadu maamusho, rabshadahan ayaa ah kuwii ugu xumaa ee deegaankaas ka dhacay kadib markii dalkaas laga saaray kooxda ISIL (ISIS).

Horseed Media