IRAQ: Drone lagu weeraray Saldhiga Militari ee Mareykanka

Published: November 3, 2023

Diyaarada aan duuliyaha lahayn oo hubeysan ayaa lagu soo riday duleedka saldhiga Militariga Mareykanka ku leeyahay waqooyiga Ciraaq.

Weerarkan Drone ayaa lala beegsaday Saldhiga Harir oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Wax faah faahin ah Taliska Militariga Mareykanka kama bixin khasaaraha weerarkan.

Maleeshiyaadka Ciraaq ee taageera Iran ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay weeraro noocaan ah la beegsanayey Saldhigyada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa gaaraya 2.500 askari, halka Suuriya ay joogaan 900, ciidamadan oo la sheego inay la dagaalamaan kooxda Daacish.

Horseed Media