Is rasaaseyn ay ku dhaawacmeen 4 qof oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Laascaanood

Published: September 2, 2022

Inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa ku dhaawacmay kadib iska hor imaad aroornimadii saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Kooxo qaadwalayaal ah ayaa isku rasaaseeyey garoonka kadib markii laysku qabtay diyaarad siday qaad oo labada dhinac ay isku maandhaafeen imaanshaheeda.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii siday qaadka ay qudheeda xabado ku dhaceen iyadoona isla markiiba garoonka dib uga duushay.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray muran la xiriiira soo dejinta qaadka Miirooga ee ka yimaada dalka Kenya kaasi ay isku hayeen ganacsatada qaadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *