Isbaheysiga Mareykanka iyo Britain oo duqeyn cirka ah la beegsaday Xuutiyiinta Yemen

Published: March 12, 2024
Shares12

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in isbaheysiga Mareykanka iyo Britain ay Isniintii shalay duqeyn la beegsadeen dhowr magaalo oo ku yaal galbeedka dalkaasi.

Waxaana duqeymahan ku dhintay ugu yaraan 11 qof, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 17 weerar oo xagga cirka ah ayaa lala beegsaday magaalooyin ay ku jiraan magaalada dekedda leh ee Xudeydah iyo dekedda Ras Issa; sida uu sheegay Al Masirah, oo ah telefishinka hoos taga Xuuthiyiinta.

Duqeymahan ayaa imaanaya maalmo kadib geeridii ugu horeysay ee dad rayid ah iyo qasaare markab oo ka dhashay weerarada Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa Arbacadii weerar ku dilay saddex shaqaale ah oo saarnaa markab laga leeyahay Barbados.

Kooxdan ayaa sidoo kale ku guuleystay inay dajiyaan markab xamuulka qaada ee Rubymar oo laga lahaa UK, markabkan ayaa bada ku dhex-dagay qiyaastii laba toddobaad kadib markii ay Xuutiyiinta gantaalo ku dhufteen 18-kii Febraayo.

Xuutiyiinta ayaa weeraradooda bilaabay bishii November iyaga oo garab siinaya Falastiiniyiinta Gaza. Waxayna sheegeen inay sii dar-dar gelin doonaan weeraradoda inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Horseed Media