ISIL oo sheegatey weerarkii Moscow iyo tirada dhimashada oo gaartey 115 qof.

Published: March 23, 2024
Shares20

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Moscow ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen, waxyaabaha qarxa ku xireen Tiyaatarka magaalada Crocus duleedka Moscow.

Ugu yaraan 115 qof ayaa ku dhintay 187 kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraradii ugu xumaa ee argagaxiso ee ka dhaca dalka Ruushka muddo sanado ah, ka dib markii rag hubaysan ay rasaas iyo qaraxyo ku fureen tiyaatarka weyn ee riwaayadaha ee duleedka magaalada Moscow.

Wakaaladda wararka ee Ria ayaa Sabtidii soo xigatay afhayeen u hadlay guddiga dambi baarista ee Ruushka, isagoo sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto, ayna goor hore tahay in wax laga sheego masiirka kooxda weerarka geysatay.

Kuwa la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xilli dambe oo Jimcihii, qoraal ay soo dhigtay Telegram-ka ay kooxdu ku sheegtay in dableyda ay u suurtagashay in ay baxsadaan kaddib markii ay weerarka fuliyeen. Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Washington ay hayso xog sirdoon oo xaqiijinaysa sheegashada Dawladda Islaamka.

Ruushka ayaa bilaabay ugaarsi ballaaran oo ay ku baadi-goobayaan dableydii weerarka geysatay, iyaga oo uga digay shacabka ku nool magaalada Moscow khatarta nimanka weerarka geystey waxaana ay ka codsadeen in ay Booliska la shaqeeyaan. Dowladda Ruushka ayaan weli aqoonsan mid ka mid ah tuhmanayaasha.

Weerarkii Moscow ayaa ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo 2004tii go’doomintii iskuulka Beslan, kaasoo lagu dilay 334 qof, oo ay ku jiraan 186 caruur ah, weearkaas oo socdey muddo laba maalmood ah.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarkan waxa ay ugu yeereen “Weerar Argagixiso oo fulaynimo ah.”

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in “sawirrada weerarku ay ahaayeen kuwo argagax leh oo ay adag tahay in la daawado”. Aqalka Cad ma hayn wax calaamad ah oo muujinaya in Ukraine ay ku lug lahayd weerarka, ayuu Kirby ku daray. Ruushka ayaa dagaal weyn kula jira Ukraine.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu uusan wax lug ah ku lahayn weerarka.

“Ukrayn xaqiiqdii wax shaqo ah kuma laha toogashada iyo qaraxyadii ka dhacay Hoolka Magaalada Crocus,” Mykhailo Podolyak, oo ah lataliyaha maamulka madaxweynaha Ukraine, ayaa sidaas ku qoray ku qoray X. “Wax macno ah ma samaynayso. Ukraine waligeed maysan isticmaalin hababka argagixisada.”

Hanad Askar
Horseed Media