Isimadda Dhaqanka ee SSC oo markale war cusub ka soo saaray xaaladda Laascaanood

Published: April 23, 2023

Isimadda Dhaqanka ee gobalada SSC ayaa maanta kormeeray xaruha ciidamada deegaanka iyagoo u jeediyey hadalo dardaaran ah.

Isimada ayaa sidoo kale ka hadlay damaca xukuumadda Somaliland ee gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

“Muuse Biixi, maanta oo u dambaysay madaafiic ayuu soo ridaayay, waxaanu leenahay Muuse wakhti yar ayaad haysataa ee deegaanadan iskaga bax, hadii aad ka bixi waydo taariikh xumo ayaad arki doontaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa dhankiisa yiri “Reerka Habar-jeclo ee ciidan beeleedka kusoo guraya Goojacadde waxaan leeyahay waxaa ka heshaan ayaa leedihiin”.

“Cidii markii aanu dalkan joognay taladeeda wax naga waydiin wayday imikana anagu waxba ka waydiin mayno, taanu nidhaa ayaa shaqaynasa. Muusoow ta soconaysaa waa tayda” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Horseed Media