Israa’iil oo digniin u dirtay dadka ku nool Waqooyiga & Koonfurta Qaza

Published: December 2, 2023

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii soo saaray digniin ay u jeedinayaan dadka ku nool deegaano dhowr ah oo ku yaala waqooyiga Gaza, iyagoo ku amray inay isaga guuraan ka hor duqeymaha ay qorsheynayaan, iyadoo goobaha kala duwan ee la go’doomiyay ay tan iyo subaxnimadii Jimcaha sii xoogeysanayeen duqeymaha, kadib markii ay dhamaatay hakinta dagaalka.

Af hayeenka ciidamada Israa’iil Avichai Adraee oo la hadlayey dadka Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dib u bilaabeen tallaabo adag oo ka dhan ah Xamaas iyo ururada kale ee ku sugan Marinka Gaza.

Wuxuu uga digay “dadka deggan Al-Shuja’iya, Al-Zaytuun, magaalada Qaza ee qadiimiga ah, iyo dadka deggan xaafada Jabaliya.

Sidoo kale xaafadda Khan Yuunis ee koonfurta Qaza ayey Israel sheegtay inay bartilmaameed ka dhigan doonto

Ugu yaraan 178 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 589 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay deegaanka Al-Faluja ee waqooyi-bari Qaza ayaa lagu dilay saynisyahan caan ah oo reer Falastiin ah Sufyan Tayeh iyo qoyskiisa, sida ay shaacisay wasaaradda tacliinta sare ee Falastiin maanta oo Sabti ah.

Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay maanta inay beegsadeen koox askarta lugta ah oo Israa’iiliyiin ah oo fadhigoodu yahay waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza ee aagga Al Tawam, “taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac.”

In ka badan 15,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan carruur iyo haween, ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ka dib weerar xudduuddeed oo ay qaadeen Xamaas.

Ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale la dilay, sida lagu sheegay qiyaasaha rasmiga ah.

Horseed Media