Israa’iil oo duqeymo cirka ah ka fulisay nawaaxiga Baalbek ee dalka Lubnaan

Published: March 12, 2024
Shares2

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay meel u dhow magaalada Baalbek ee bariga Lubnaan Isniintii, halkaas oo ay ku dishay hal qof.

Weerarkan ayaa noqonaya duqeyntii labaad ee gobolkaas ka dhacda tan iyo markii uu bilowdayda dagaalka Gaza.

Tan iyo 8-dii Oktoobar, maalin kaddib markii uu dagaalku ka qarxay Marinka Gaza, Xisbullah oo xulafo la ah Xamaas iyo cadawgeeda Israa’iil ayaa is weydaarsanayey duqeynmo maalinle ah.

Duqeymaha ayaa inta badan ku ekaa gobollada saaran xaduuda koonfureed ee Lubnaan, laakiin Isra’iil ayaa dhowr mar duqeysay fariisimaha Xisbullah ee gobalada waqooyiga toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo dagaalkan sii xoogeysto.

Magaalada Baalbek ee ku taal dooxada Bekaa oo xuduud la leh dalka Suuriya, ayey saldhigyo waaweyn ku leedahay kooxda Xisbullah.

Horseed Media