Israa’iil oo duqeyn la beegsatay Siiriya

Published: July 19, 2023

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Suuriyaan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA subaxnimadii Arbacada.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday fariisimo militari oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimas iyo sidoo kale wadada weyn ee isku xirta Beirut iyo Dimishiq ee galbeedka caasimadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya.

Horaantii bishaan, Israel ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay meel u dhow magaalada ay dowladdu maamusho ee Homs, SANA ayaa sidaas sheegtay.

In ka badan toban sano oo dagaal uu ka socday dalka Suuriya, Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo cirka ah ku qaadday dalkaasi, iyadoo ay ugu horreyso beegsiga ciidamada Iran ay taageerto iyo dagaalyahannada Xisbullah ee Lubnaan iyo sidoo kale fariisimaha ciidamada Suuriya.

Inkastoo Israa’iil ay dhif tahay inay ka hadasho duqeymaha ay ka geysaneyso Suuriya, haddana waxay marar badan sheegtay inaysan ogolaan doonin in cadowgeeda weyn ee Iran ay awood ku yeeshaan dalkaasi.

Horseed Media