Israa’iil oo xayiraad duldhigtay Imaamka Masjidka Al-Aqsa

Published: December 4, 2023

Sirdoonka Israa’iil ayaa weerar ku qaaday guriga Sheekh Ekrima Sabri oo ah daaciga Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus, waxayna kusoo rogeen xayiraad dhanka socdaalka ah, sida uu sheegay qareenkiisa maanta oo Isniin ah.

Waxa uu sheegay in daaciga Masjidka Al-Aqsa uu wajahayo olole ciqaab ah oo ay wadaan Israa’iiliyiinta garabka midig.

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay dumin doonaan gurriga uu degen yahay.

“Gurigiisa ayaa la weeraray Axadii si loogu dhiibo amar dumis ah dhismaha uu ku nool yahay maantana waa laga mamnuucay inuu safro,” qareenka ayaa yiri.

” Xadgudubyada ka dhanka ah daaciga waa isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo codkiisa, kaas oo si geesinimo leh runta ugu dhawaaqaya,” ayuu yiri Qareenkiisa Khaled Zabarka.

Daaciga oo 84 jir ah ayaa waxaa dhowr jeer xirtay Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inuu galo Masjidka Al-Aqsa dhowr bilood.

Waxa uu hore u soo qabtay xilka muftiga Qudus iyo dhulka Falastiin intii u dhaxaysay 1994 ilaa 2006.

Israa’iil waxay qabsatay bariga Quddus, halkaas oo uu ku yaal Masjidka Al-Aqsa, intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1967.

1980-kii waxay Israa’iil la wareegtay magaalada oo dhan, tallaabadaas oo aysan beesha caalamku marna aqoonsan. Barriga Qudus oo uu ku yaal Masjidka Al-Aqsa ayaa ah halka la rabo in ay caasimad u noqoto dowlada Falastiin.

Horseed Media