Israa’iiliyiin lagu dilay Nablus iyo hawlgal socda

Published: August 20, 2023
Shares80

Labo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay koonfurta magaalada Nablus ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana toogtay nin Falastiini ah.

Adeegga ambalaasta ee Israel ayaa sheegay in nin 60 jir ah iyo wiil uu dhalay oo 29 jir ah lagu toogtay tuulada Huwara ee Falastiiniyiinta. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in labada qof lagu weeraray goob lagu dhaqo gawaarida.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa cambaareeyay toogashada, isagoo sheegay in “ciidamada ammaanku ay laba jibaarayaan dadaalkooda ku aaddan soo qabashada gacan-ku-dhiiglaha”.

Wakaalada wararka ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa ku warantay in ciidamada Israel ay xireen wadooyinka muhiimka ah ee laga soo galo magaalada Nablus ee waqooyiga daanta galbeed, waxaana askarta ay ku qasbeen in ay xiraan goobaha ganacsiga xili ay baadi goobayeen ninka la tuhunsan yahay.

Horseed Media