Israel oo duqeysay dadkii Qaxayey, Tiradda dhimashada oo kor u dhaaftay 11.000

Published: November 10, 2023

Shacabka lagu xasuuqay duqeynta Israel ayaa maanta oo Jimce ah gaartay 11.078, in ka badan 4.500 ayaa ah caruur.

Sidoo kale dadka duqeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ah 3,027 haween ah iyo 678 waayeel ah.

Tiradda dhakhaatiirta iyo saraakiisha caafimaadka ee la dilay ayaa gaareysa 198, halka 53 gaadiidka ambalaasta ah la burburiyey.

135 oo ah goobaha caafimaadka ayaa la duqeeyey waxaana shaqada joojiyey 21 isbitaal iyo 47 kale oo ah xarumaha caafimaadka.

Diyaaradaha dagaalka ayaa maanta duqeeyey kumanaan kun oo shacab oo ka qaxayey Waqooyiga Gaza kuna sii jeeday Koonfurta.

Ciidamada Israel iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa gaaray gudaha Gaza, iyagoo go’adoomiyey isbitaalada Al-Shifa iyo Isbitaalka caruurta Rantisi.

Duqeyntii ugu balaarneyd ayaa xalay iyo arooryadii saaka lala beegsaday waqooyiga Gaza, iyadoo weli dagaalo fool ka fool ah halkaasi ka socdaan.

Horseed Media