GAZA: Israel oo duqeysay xarunta gargaarka Qaramada Midoobay ee UNRWA

Published: March 13, 2024
Shares8

“Weerarka maanta lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha ugu danbeeyey ee UNRWA ee qaybinta cuntada Marinka Gaza wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo sahaydii cuntadu ay gabaabsi tahay, gaajaduna ay baahsan tahay, meelaha qaarna ay isu beddeshay macaluul,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee UNRWA, Philippe Lazzarini.

Ciidanka Israa’iil ayaa horey loogu gudbiyey xogta goobta la duqeeyey si aysan waxyeelo ugu geysan, xaruntaasi oo ku taal Rafah, maalin ka hor inta aan la beegsan, sida uu sheegay madaxa hay’adda, Philippe Lazzarini, maanta oo Arbaca ah.

Qoraalka kasoo baxay UNRWA ayaa lagu xusay in “ugu yaraan hal qof oo ka tirsan shaqaalaha UNRWA duqeynta lagu dilay, 22 kalena ay dhaawacmeen.”

Lazzarini ayaa ku baaqay “baaritaan madax-banaan oo ku saabsan xadgudubyadan iyo in lala xisaabto cida danbiyadan dagaal geysatay.”

Ugu yaraan 31,272 Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa ku dhintay xasuuqa ka socda Gaza, in ka badan 73,024 qof ayaa ku dhaawacmay iyada oo ay jirto burbur ballaaran iyo macaluul baahsan.

Horseed Media